af soomaali fasalka 3

85 bogagga - Af Soomaali - Manhajka - 1976

Buugagga Af Soomaaliga ee Dugsida Hoose (I -VI) waa kuwo, qoriddooda lagala kulmay dhibaatooyin gaar ah; hase yeeshe, waa kuwo, haba koobnaadeene, ka jawaabaya ujeedoyinkii laga lahaa barashada Afka. In kasta oo barashada afafku ay ka'unkamaan barashada Dhegeysiga, Hadalka, Akhrista iyo Qoraalka, haddana waxa jirta in uu af waliba leeyahay waxyaaba isaga u khaas ah. Kuwaas oo keenaya in habka barashadiisu ay ka duwanaanto ka afafka kale oo dhan. Qorayaasha buuggani iyaga oo taas maskaxda ku haya, isla markaa tixgelinaya waxyaabaha badan ee afaku ay wadaagan, ayay isku-dayeen in ay buugga geliyaan Wixii iyo Intii aradayada heerkan loo dhigi lahaa. Afarta qaybood ee afka (dhegeysi, hadal, akhris iyo qorid) ee lagu tilmaamo awoodaha salka ah barashadoodu sidaa uma kala qoqobna. Waxana dhici karta in afarta qaybood cashar qura carruurta lagu wada baro. Sidaas awgeed, ayaanay suurtoobahayn in la kala saarsaaro awoodihii afka ee la rabey in carruurta la baro, oo la yiraahdo xisadda waxa ilmaha la barayaa 'Dhegeysi' ta dambena 'Akhris'. Iyada oo taasi ay jirto, ayaa haddana kollayba loo baahan yahay in loo qaybiyo Manhajka ama buugagga Afka qaybo u fududeeya macallinka jaangooyinta iyo raacidda tusaalooyinka ku dhigan. Waxa iyana madhaafaan ah in halkan lagu xuso in Manhajka Af Soomaaligu siiba ka fasallada I, II, iyo III uu aad iyo add muhiim u yahay, la socod la'aantiisuna ay wax u dhimi karta fulinta ujeedooyinka laga leeyahay buuggan. Manhajka tafaasiil iyo sharax fara badan ayuu ka bixinayaa sidii ilmaha loo bari lahaa xubnaha ama awoodaha kala duwan ee Afka. Manhajka aannu samaynay waa mid aannu is niri dhagax laba shimbirood ha ku wada dilo: macallinka waa in uu u ahaadaa marjacu jideeya Wixii iyo Intii u ilmaha u dhigi lahaa; isla markaa ha u noqdo manhajku macallinka tilmaame (Guide or Teacher's Handbook) ka kaaliya una habeeya baraha wixii uu u dhigi lahaa carruurta. Waxa mahad iyo ammaan weynba annu u jeedineynaa qorayaashii buuggan oo ah: Axmed Guure Cali, Yuusuf Aadan Suleymaan, Ismaacil Muuse Nuur, Axmed Cabdillaahi Boqoree, Axmed Maxamed Qaadim, Maryan Weheliye Barre, Ibraahim Faarax Jooj, Cismaan Jamac Aadan, Maxamed Xaaji Cabdi, Cabdi Xaaji Dooddi, Cabdiraxmaan Maxamad Xisaam. Waxa iyaguna gacan ka geystey xagga heesha buuggan macallinmiinta ah Maxamed Cabdillaahi Riiraash iyo Siciid Saalax Axmed. Waxa kale oo aanu mahad naqaynaa dhammaanba dadki kale ee suurageliyey soo saaridda buuggan; dadkaas oo kala ah Cawil Maxamed Yaasiin oo musawirrada buuggan sameeyey iyo makiinad garaacayaashi buugga garaacay. Ugu dambayntii, waxa si gaar ah u mahadsan Madaxda iyo Shaqaalah Wakaaldda Madbacadda Qaranka oo xill gaar ah iska saaray daabacaadda buuggan.