af soomaali fasalka 4

39 bogagga - Af Soomaali - Manhajka - 1976

Buugagga Af Soomaaliga ee Dugsiyada Baraymariga ah (I-VI) waa kuwo qoriddooda lagala kulmay dhibaatoyin gaar ah; hase yeeshee, waa kuwo, haba koobnaadeene, ka jawaabaya ujeedoyinkii laga lahaa barashada Afka. In kasta oo barasha afafka ay ku unkanto barashada dhegeysiga, hadalka, akhrista iyo qoraalka, haddana waxa jira in uu af waliba leeyahay waxyaabo u khaas u ah. Kuwaas oo keenaya in habka barashadiisu ay ka duwanaanto ka afafka kale oo dhan. Qorayaasha buuggani iyaga oo taas maskaxda ku haya, isla markaa tixgelinaya waxyaabaha badan ee afaku ay wadaagan, ayay isku-dayeen in ay buugga geliyaan Wixii iyo Intii aradayada heerkan loo dhigi lahaa. Afarta qaybood ee afka (dhegeysi, hadal, akhris iyo qorid) ee lagu tilmaamo awoodaha salka ah barashadoodu sidaa uma kala qoqobna. Waxana dhici karta in afarta qaybood cashar qura carruurta lagu wada baro. Sidaas awgeed, ayaanay suurtoobahayn in la kala saarsaaro awoodihii afka ee la rabey in carruurta la baro, oo la yiraahdo xisadda waxa ilmaha la barayaa 'Dhegeysi' ta dambena 'Akhris'. Iyado taasi jirto, ayaa haddana kollayba lo baahan yahay in loo qaybiyo Manhajka ama Buugagga Afka qaybo u fududeeya macallinka jaangooynta iyo raacidda tusaaloyinka ma dhaafanka ah. Waxa mahad iyo ammaan weynba aannu u jeedinaynnaa qorayaashi buuggan og ah: 1. Yuusuf Aadan Suleymaan. 2. Ismaaciil Muuse Nuur. 3. Ibraahim Faarax Joorj. 4. Axmed Maxamed Qaadi. Waxa iyaguna gacan ka geystay xagga heesha macallinka la yiraahdo Maxamed Cabdillaahi Riiraash. Waxaa kale ee aannu u mahad naqaynana dhammaanba dadki kale ee suurageliyey soo saaridda buuggan dadkaaso kala ah Ciise Maxamed Ciise oo musawirrada buuggan sameeyey iyo makiinand garaacayaashii buuggan garaacay. Ugu dambayntii, waxa si gaar ah u mahadsan Madaxda iyo Shaqaalaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka oo xil gaar ah iska saaray daabacaadda buuggan.