af soomaali fasalka 5

113 bogagga - Af Soomaali - Manhajka - 1976

Buugagga Af Soomaaliga ee Dugsiyada Baraymariga ah (I-VI) waa kuwo qoriddooda lagala kulmay dhibaatoyin gaar ah; hase yeeshee, waa kuwo, haba koobnaadeene, ka jawaabaya ujeedoyinkii laga lahaa barashada Afka. In kasta oo barasha afafka ay ku unkanto barashada dhegeysiga, hadalka, akhrista iyo qoraalka, haddana waxa jira in uu af waliba leeyahay waxyaabo u khaas u ah. Kuwaas oo keenaya in habka barashadiisu ay ka duwanaanto ka afafka kale oo dhan. Qorayaasha buuggani iyaga oo taas maskaxda ku haya, isla markaa tixgelinaya waxyaabaha badan ee afaku ay wadaagan, ayay isku-dayeen in ay buugga geliyaan Wixii iyo Intii aradayada heerkan loo dhigi lahaa. Afarta qaybood ee afka (dhegeysi, hadal, akhris iyo qorid) ee lagu tilmaamo awoodaha salka ah barashadoodu sidaa uma kala qoqobna. Waxana dhici karta in afarta qaybood cashar qura carruurta lagu wada baro. Sidaas awgeed, ayaanay suurtoobahayn in la kala saarsaaro awoodihii afka ee la rabey in carruurta la baro, oo la yiraahdo xisadda waxa ilmaha la barayaa 'Dhegeysi' ta dambena 'Akhris'. Iyado taasi jirto, ayaa haddana kollayba lo baahan yahay in loo qaybiyo Manhajka ama Buugagga Afka qaybo u fududeeya macallinka jaangooynta iyo raacidda ku dhigan. Waxa aanu mahad u jeedinayanaa Ismaaciil Muuse Nuur, Maryan Weheliye Barre iyo Axmed Cabdillaahi Boqorre oo buuggan qoray iyo Maxamed Ibraahim Wacays oo isna dib-u-habayn ku sameeyey, dadkii sawirrada u sameeyey. Waxa kale oo mahad leh Wakaaladda Madbacadda Qaranka oo suuragalisay in uu buuggani si dhaqso ah u daabacmo.