af soomaali fasalka 7

113 bogagga - Af Soomaali - Manhajka - 1976

Buuggan oo ah kii toddobaad ee Suugaanta Dugsiyada aasiga ah, waxaa loogu talo galay ardayda Fasalka Toddobaad ee habka cusub. Buuggani wuxuu la socdaa kuwa ka horreeya eek u salaysan habkan cusub ee dheereynta muddada waxbarashada ee dugsiyada aasaasiga ah. Casharrada buuggan ku jira waa kuwo xul ah oo la socda mustawaha ardada. Inkasta oo qorayaashu ku dadaaleen in ay si quman u qoraan, haddana haddii ay wax gol-daloollo ahi as soo baxaan, waxa barayaasha laga codsanayaa in ay buuxiyaan wixii ka dhiman. Xafiiska Manaahjitu, wuxuu si hagar la’aan ah ugu mahadcelinayaa dhamman barayaahii ka qayb qaatey ururinta, qoridda iyo habaynta casharada buugga. Mahad gaar waxaa Iyana leh shaqaalaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka ee ka qayb qaatay so saaridda buuggan.