af soomaali fasalka 8

78 bogagga - Af Soomaali - Manhajka - 1976

Buuggan Fasalka Siddeedaad ee Dugsiga Dhexe, wuxuu so bandhigayaa qoraal isku jir ah oo mawaadiicdiisu salka ku hayaan sawir xulan oo ka mid ah Suugaanta Soomaalida; isla mar ahaantaa wuxuu ardayga siinayaa qodobbo muhiim ah oo barashada afka ah. Macallinka waxa la ogeysiinayaa in aanay qodobbada hab-dhigaalka ah ee tilmaama-baruhu aanay ku filnayn gudbinta dhigaalka casharada, sida awgeed, waxa laga codsanayaa in uu baadhis xaggiisa ah sameeyo dhanka kordhinta tusaalayaasha iyo dhanka habka dhigistaba. Lama koobi karo dadki qoraalka buuggan lagu soo ururiyey ku lug lahaa oo dhan; waxase mahaddaas gaar ah leh Axmed Maxamed Qaaddi iyo Cabdillaahi Diiriye oo buuggan qoray, Faysal X. Maxamuud oo laha sixidda boostooyinka iyo hagaajinta. Waxaa mar labaad habeeyey iskuna dubbariday Maxamed Geelle Diiriye. Waxaa Iyana mahad ballaaran leh shaqaalaha Wakaalada Madbacadda Qaranka, oo suurogeliyey soo saaridda buuggan.