162 bogagga - Af Soomaali - Shire Axmed Jaamac - 1976
Buuggan waxaa iga soo gaaray dhibo badan oo aan la soo koobi karin. Aruurintiisuna waxay igu qaadatay sanooyin badan oo aan ula kaashaday wixii buugag ahaa oo ay Af Soomaaliga ka qoreen qoreen qorayaal shisheye. Inkasto aan isku dayey inaan wax ka qabto arrimaha u waaweyn dhismaha Afkeenna hooyo, haddana hawlsha Naxwaha Af Soomaaliga weli fari kama qodna oo way dihin tahay. Si kastaba ha ahaatee, waxaan filaya in wax weyn laga faa'iideysto buuggan. Waxaan mahad u naqayaa intii igu kaalisay buuggan, siiba madaxda Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare.