518 bogagga - Af Soomaali - Yaasiin Cismaan Keenadiid - 1976
Markuu kacaanka dhisay Giddiga Af-soomaaliga, yanaayir 1971dii, howlihii loo xilsaaray waxaa ka mid ahaa inuu Qaamuus Af-Soomaali ah dejiyo. Anigoo ay sharaf ii tahay in culayskii Guddoomiyennimada Guddigaa aan haya sannadkii ugu horey, mindhaa ugu dhib badnaa, isla markaa xubin ka ahaa Guddi-Hoosaadka Qaamuuska, wax badan ayaan jaalleyaashay wadajir uga doodney habkii aannu u socodsiin lahayn dejinta qaamuuska. Waaga, iyadoo horay loo soo maray waayaaragnimo aan taageerid lahayn xagga rasmiyaynta Af-Soomaaliga, walwal badan ayaa xubnaha Guddiga ka haystay, guud ahaan, siday suurta gal u noqon lahayd gaaridda bartilmaaneedka loo astaameeyay oo u baahneed in xubnohoo idil ay, kala har la’aan, ugu hirtaan iyagoo isku duuban oo danta guud daryeelaya. Walwalka kale wuxuu ahaa: sidde baa loo heleelaa dhabbaha ugu habboon iyo farsamada ugu waxtar badan oo lagu fuliyo hawlahii badnaa kaasoo si gooni ah u taabanayay Guddi-hoosaadyada qaybaha gaarka ah loo xilsaaray. Arrinta Qaamuuska la xiriirtay waxay iigu muuqata, maantoo ay ka soo wareegatay toddobo sano ku dhawaad, inay ahayd midda ugu culus, lagama fursadaanna ka dhigaysay in lagu jaan gooyo hab iyo hannan horay loo soo tijaabiyay oo dunida ka dhaqan galay. Nasiib wanaag waxaa ahaa in Guddi-hoosaadkii Qaamuusku isla maalmihii uu howshiisa guda galay, si deeqsinimo iyo fiiridheeri ku jirto uu u soo hardhigay Dr. Yaasiin Cismaan Keenadiid ereyo toban kun (10,000) gaaraya uu soddoomeya sano uririnayay, qaybna uu ku lahaa aabbihii Cismaan Keenadiid, horseedkii waynaa ee qoralka Af-Soomaaliga. Guddiga Af-Soomaaligu ereydaa wuxuu ku magacaabay “ururuntii” Yaasiin Cismaan, isagoo u aqonsanaya xuquuqda u goonida ah. Erey micnayta oo la waafijiyo hab kooban oo qeexan waa arrin dhibaatadeeda la kulmaan Qaamus qoreyaashoo idil, hase yeeshee qoraha Af-Soomaaliga, waxaan shaki ku jirin, in shiddo gooni ah kas ula imanayo mar haddii uusan jirin hidde uu ku hirto oo ka horreeyay. Jarribaddu ugu culus ee qoraaga Af-Soomaaliga waxay salka ku haysaa sidii ereyadaa oo laga yaabo in dadku isku si ayaan aqoonin ama isku si ugu dhawaaqin inuu u haleelo lub fudud oo la wada garto. Waxaa iyana howl iskeeda u taagan ah in erayada kala dhambalma iskuna jirridda ah loo helo mid waliba micnaha ku beegan oo ka duwaya kuwa kale ay isu eg yihiin, inkastoo heerka cilmiyaynta afku uu marayo saanqaadkiisii hore. Waxaa marka lagama maarmaan ah inaynu gaarno awood aan ku kala bixinno ereyada haatan jira oo isu micna dhow, kuwaasoo laysku fasiro, sida (fidsannan, fidsanaansho). Qaamuuskaan uu dejiyay Dr. Yaasiin Cismaan Keenadiid dhibaatooyinkii aan soo tilmaamoo idil wax ayuu ka qabtay, iyadoo Yaasiin isku taxallujiyay in arrimahaa uu waafijiyo hub cilmiyeed uu horey u jeexday kana jawaabi karta baahida kala duwan ee dadwaynahu u qobo garashada qeexan ee Af-Soomaaligam taasina ammaan gooni ah ayuu ku mudan yahay. Waxaan oran karaa midaynta Ummadda Soomaaliyeed qaamuuskan wuxuu ka galayaa kaalin dhumuc wayn, isagoo u muuqan karo biladdaye qof waliba uu isku arkayo, dadkiisuna ka arki karo, kana aqoonsan karo, taasoo waxyeellaynayso kala qoqobayntii loo gaystay Ummaddeenna. Waxaa u riyaaqid gooni ah leh, aragtidayda, habka abjadiga uu raacay Dr. Yaasiin, kaasaa marna fududaynaya erey kala soo bixidda Qaamuuska marna xarfihii laatinka aynu doorannay jidayntii ku habbooneed wafiqsan. Ugu dambayntii, qaamuuskan wuxuu ka dhabaynayaa himiladii Kacaanka Soomaaliyeed oo ahayd in Af-Soomaaliga fure loo yeelo si ay Ummadda Soomaaliyeed ugu gudubto garashada hodonnimda adkeeda, iyadoo laga sare maraya gobolaysi iyo af-guri ku mintid aan guul lahayn, si buuxdana Ummadda wadajirkeeda iyo qiimaheeda aadane ay u soo shaac baxdo.